Sidee lagu joojin karaa tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed?
Sharraxaad kooban.
Wixii ka danbeeyay burburkii dowladii dhexe waxaa dhalinyarada soomaaliyeed
waxa ay ahaayeen kuwa u tahriibayay dalalka caalamka iyagoo ka cararayay Colaad
iyo Shaqo la aan is biirsaday.
Dhalinyarada Waxaa ay Tahriibka kala kulmaan dhibaatooyin badan oo Qatar ku ah
Noloshooda maadaama ay ku safraan meelo saharo ah iyo bado aad u Qatar badan.
Dhacdadii ugu danbeeysay waxaa ay aheyd dooni ku dagtay bada u dhaxeysa Libia
iyo Talyaani taasi oo ay saarnaayeen in ka badan 500 oo Africaan u badan waxaa
ka badbaaday 2-qof halka inta kale ay dhinteen.
Su'aasha toddobaadka.
Hadaba Dhageyste Sidee lagu joojin karaa tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed?
A-Dowlada oo amniga sugta
B- Dowladda in shaqo abuur usameyso dhalinyarada
C-Dhalinyarada oo lagu dhiirigeliyo wadaniyada
D- Culimadda oo wacyi gelin usameysa dhalinyarada
Tilmaam. Fadlan marka aad jawaabta soo diraysid raac tilmaamahan:
Ku qor halka farriinta lagu qoro ee telefoonkaaga marka hore RISAALA
kaddibna
raaci A, B, ama C, ama, haddii aad qorto “RISAALA A” Dowlada oo amniga
sugta ." Haddii aad qorto “RISAALA B- Dowladda in shaqo abuur
usameyso dhalinyarada .” haddii aad qorto “RISAALA C” -Dhalinyarada oo
lagu dhiirigeliyo wadaniyada Haddii aad qorto “RISAALA D Culimadda oo
wacyi
gelin usameysa dhalinyarada
Intaa midkood marka aad qorto u dir 313, telefoonkaagu lacag kaama jaranayo
marka aad jawaabtan noogu soo diraysid 313. Xilliganna waxaa farriimohooda noo
soo diri kara dhagaystayaashayada Puntland, Galmudug, badhtamaha iyo koonfurta
Soomaaliya ee isticmaalaya telefoonnada Golis iyo Hormood, iyo qofkasta oo
degaanno kale ku isticmaalaya telefoonka Golis iyo Hormood. Sidoo kale
dhageystayasha ku dhaqan somaliland ee isticmaala telefoonka Telesom dhawaan ayey
nagu soo biiri doonaan.
Bahda Risaala.